U bood dhigaalka

Erdogan: Dilka Khashoggi Wuxuu Ahaa Mid Qorsheysan Iyo Boqor Salmaan Oo La Kulmay Reer Khashoggi

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay xildhibaannada xisbigiisa in dilka Jamal Khashoggi uu ahaa mid horay loo sii qorsheeyey, isaga oo intaasi raaciyey in Turkiga ay hayaan caddeymo dhab ah oo muujinaya in Jamaal si xun loogu dhex dilay qunsuliyadda.

Madaxweyne Tayyip Erdogan waxaa uu soo-jeediyey in lala xisaabtamo kor iyo hoos dadkii mas’uulka ka ahaa dilka Jamal Khashoggi.

Dhinaca kale Erdogan waxaa uu dalbaday in 18-kii qof ee arrintaas ku lugta lahaa dhammaan lagu maxkamadeeyo Istanbul.

“In eedda dusha laga saaro saraakiil ciidan iyo sirdoonka ma aha inay niyadooda ku dageyso innaga iyo beesha caalamka”, isaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay ololaha ay dad ugu jiraan waxyeeleyna Turkiga.

Gudaha Sacuudig, Waxyar ka dib hadalka madaxweynaha Turkiga, boqor Salmaan waxaa uu la kulmay Sahal Axmed  Khashoggi iyo Salaax Jamaal  Khashoggi, waxaa kulanka joogay dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan.

Goobjoog News