U bood dhigaalka

Erdogan Iyo Putin Oo Talaadada Kulmaya

Sheeko:Dalka

Waxaa Maalinta Taaladada ah St. Petersburg ku kulmaya madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Turkiga Tayyip Erdogan.
Booqashada waxaa ay ku sooo beegmeysaa bil markii uu afgambi dhicisoobey ka dhacay dalka Turkiga iyo reer galbeedka oo qaarkood diiday tilaabooyinka ka hortagga ah ee uu sameeyay Tayyip Erdogan.
Waa markii ugu horeysay ee Tayyip Erdogan uu booqasho ku tago dalka Ruushka tan iyo markii Turkiga ay soo rideen Novembertii hore diyaarad dagaal uu ruushka lahaa.
Laba nin ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ku saabsan.

Goobjoog News