U bood dhigaalka

Erdogan Iyo Trump Oo Ku Heshiiyey Ladagaalanka Argagixisada

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Mareykanka ayaa waxay ku heshiiyeen in lala dagaalamo dhammaan kooxaha argigixisada ah oo ay ka mid yihiin Daacish,Fatxullahi Goolan

War ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in labada mas’uul ay kuwada hadleen qadka telefoonka,waxayna is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan gobolka iyo arrimaha Siiriya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku eedeeyay Mareykanka inay hubk soo galiyaan wadanka Siiriya kaasi oo ay gacanta ku dhigaan kooxaa Kurdiyiinta ah.

Dhankiisa wasiirka arrimaha dibadda TurkigaMevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in madaxweyne Tarump uu hoosta ka xariiqay in wixii xiligaasi ka bilowda aysan hub soo galin doonin Siiriya.