U bood dhigaalka

Erdogan oo Amray Ceyrinta 10 Safiir, Akhriso Sababta!

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sabtidii ku dhawaaqay arrin ka yaabisay dunida, isaga amray in uu ceyriyo 10 safiir oo ay ku jiraan 7 safiir oo dalalkooda ay ku wada jiraan NATO, safiiradan qaladka keliya ay galeen waa iney dalbadeen sii deynta Cusman Kavala, oo 4 sano iska xiran.

Dalalka Canada, Denmark, France, Germany, the Netherlands, Norway, Sweden, Finland, New Zealand iyo Mareykanka ayaa dalbaday in la fasaxo Kavala oo madax ka ah hey’ado u dooda xuquuqda aadanaha.

Kavala ayey kooxda Erdogan sheegayaan inuu qeyb ka ahaa iskudey afgambi oo ka dhacay dalkaas 2016-kii.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo Erdogan sheegayo inuu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha Mareykanka Biden oo ay ka wada qeyb galayaan shirka G20 oo dhacaya dhammaadka bishan.
Goobjoog News