Erdogan Oo Mar Kale Madaxweyne Loo Doortay

Recep Tayyip Erdogan ayaa markii Labaad wuxuu ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaasi.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda dalkaasi, waxaa %99 la tiriyey codadkii laga dhiibtay doorashadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Waxa uu Mr. Erdogan uu helay %53.0 halka ninka sida aadka ah ula tartmay ee Muharrem Ince uu helay %30.7, sidaasina waxaa markale madaxweyne noqday Erdogan.

Dadka codka bixinayey ayaa dooranayey madaxweyne iyo Baarlamaan, waxaana xisbiga AK ee madaxweyne Erdogan uu ku horreeyaa kuraasta baarlamaanka dalkaasi.

Xisbiyada kale ee loolanka ku jira ayaa helay, CHO %30.7, Aksender %7.4, Demirtas %8.3.

Shacab aad u badan ayaa u dabaaldegaya guusha uu gaaray Recep Tayyip Erdogan, iyaga oo magaalooyin badan fantasiyo ka dhigaya.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW