U bood dhigaalka

Erdogan: Waan Sii Wadi-doonnaa Xiriirka Sirdoonka Ee Nagala Dhaxeeyo Isra’el

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Jimcihii sheegay in dalkiisa uu doonayo inuu xiriir wanaagsan la sameeyo Israel, isagoo xusay in wadahadallada heerka sirdoonka ee labada dawladood ay sii soconayaan.

Erdogan ayaa weriyeyaasha Istanbul u sheegay kadib salaaddii jimcaha: “Waxay dhibaato na dhextaalla madaxda ugu sareeysa … haddii aysan jirin arrimo heerarkoodu sareeyo, xiriirkayaga (Israel) wuxuu noqonayaa mid gebi ahaanba ka duwan.”

Axaddii  hore, Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu sii wadi doono halganka uu ugu jiro sidii uu u dhisi lahaa dowlad Falastiin oo madaxbanaan, oo bariga Qudus ay tahay caasimaddeeda.

Fariin uu u diray Sabtidii kaqeybgalayaasha  maalinta caalamiga ah ee isgarab taaga shacabka Falastiin, Erdogan wuxuu ku yiri “waxaan tagayna dhammaan fagaarayaasha si aan u difaacno qadiyada Qudus waxaanan kaga shaqeyneynaa  awoodeeena oo dhan si aan u joojino siyaasadaha qabsashada, cadaalad darada iyo xasuuqa eelagula kacayo walaalaheena Falastiin. ”

Erdogan wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan halganka ay ugu jiraan abuuritaanka dowlad madaxbanaan, iyo midnimada reer Falastiin oo bariga Qudus caasimad u tahay, xudduudeeduna tahay tii 1967kii, kuna saleysan qaraarada Qaramada Midoobay iyo Hindisaha Nabadda ee Carabta.

Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaa sanadihii la soo dhaafay, in kasta uu xiriirkooda  ganacsi oo xooganaa, waxayna is weydaarsadeen cayrinta safiirada sanadkii 2018kii. Ankara ayaa si isdaba joog ah u cambaareysay qabsashada Israel ee daanta galbeed iyo sida ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

Goobjoog News