U bood dhigaalka

Ereyga “Waan Kaa Shakinay” Oo Ilaalada Gaarka Ah Dad Badan Ku Dileen, Wasiirka Ayaa Ugu Dambeeyay

Sheeko:Dalka

Qof walba oo uu dareenkiisu wali noolyahay waxaa uu ka gilgishay dilka gardarada ah ee loo geystay Wasiir Cabbaas Siraaje, kaliya maaha in uu ahaa nin dhalinyara ah, karti iyo xushmad badan, ee waxaa murugada sii laba jibaaraya cidda dilka geysatay (Askari) oo ah raggii looga fadhiyay in ay isaga u ilaaliyaan bulshada iyo sababta uu ku macneeyay oo ah waanu ka shakinay.

Wadooyinka magaalada Muqdisho inta aad gadiid ku mareyso gaar ahaan waddada Makka Almukaram cabsida ugu weyn ee ku soo wajaheysa waa marka gaari hubeysan uu gadaashaada ka yimaado ku dhaafo kadibna wiil gadaal ka saaran oo laga yaaba inaadan u jeedin kugu guul guulo qoriga iskuna daro Naga har iyo waalidi caayid, Markaaba waxaa kugu soo dhacaya marmarsiyaddii joogtada aheyd ee “Waan ka shakinay” waxaadna ku qasban tahay inaad ka harto dan kasta ood u degdegeyso.

Haa “Waan ka shakinay” Ereygaas aad bey u fahmi karaa reer Muqdisho waana sabab ay ciida hoosteeda ugu jiraan tiro kale oo dhalinyaro ah oo uu ka mid yahay saaxiibkey Cabdixamiid (AUN) oo isna madaxa looga toogtay isla sababtan oo kale.

Waxaa kaloo xusid mudan in dhalinta wada gadiidka bajaajta ay yihiin dadka ugu badan oo ay galaaftaan illaalada gaarka ee mas’uuliyiinta iyadoo la ogyahay in bajaajtu inta badan ayan waxba qarsan karin shakina abuuri karin, waxaa ugu caansanaa dhacdadii ka dhacday Hotel Mubaarak hortiisa loogu toogtay Maxamed Cabdi Xuseen oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Haddii si hufan oo bulshada ay wada arki karto loo maxkamadeyn lahaa ragii geystay dilalkii Cabdixamiid Cabduqaadir iyo Maxamed Cabdi Xuseen waxaan filayaa inuusan bareeri laheyn kan dilay Wasiir Cabaas.

Ilaalada Gaarka Ah:

Ilaalada gaarka ah ayaa kala ah Boliis, Nabadsugid, Military iyo kuwa ugu badan oo loogu yeero askari maroodi waan maleeshiyo beelleed qori lahaa oo loo xiray dareyska ciidanka oo aan qabin wax tababar ama leylin ah kana diiwan gashaneyn hey’adaha amniga, iyadoo uu qarashkooda iyo qaadkoodaba bixiya masuulka ay ilaalinayaan.

Nidaamkii Dowladii hore ee Kacaanka ciidanka kaliya ee qaabilsanaa ilaalada goobaha iyo mas’uuliyiinta waxey ahaayeen ciidanka daraawiishta oo ka tirsan Boliiska , halka military ay lahaayeen qeyb lagu magacaabi jiray La polizia militare oo gaar u ahaa ilaalinta madaxweynahay iyo madaxtooyada keliya, halka nabadsugidana ay mamnuuc ka aheyd iney ka qeyb qaataan ilaalinta goobaha iyo madaxda.

Raggan looga magacdaray Staff-ka waxaa billaabay burburkii kadib hogaamiye kooxeedyadii iyagoo uga gol lahaayeen in ay kusoo bandhigaan awoodooda iyo cududda ciiddan ee ay dheeryihiin kooxaha kale, dabadood waxaa qaatay mas’uuliyiinta dowladda iyadoo loogu garaabi karo duruufta amni ee dalka ka jirta hadana waxaad moodda iney qeyb ka noqdeen amni daradda ka jirta dalka.

Waxaa Askarta (Staff) ah celcelis ahaan lagu qiyaasaa in ka badan 2000 marka loo eego tirada mas’uuliyiinta la ilaaliyo tiradaas hadii ay waddooyinka ilaalin lahaayeen waxey wax badan ka badali karaan amniga magaalada balse waxey ilaaliyaan hal qof waxeyna dillaan cid walba ay uga shakiyaan iney usoo dhawaaneyso.

August 27, 2011: Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/Samad Macalin ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in askartu hub ku dhex qaataan magaalada Muqdisho wadooyinkeeda inkasta uusan dhaqan galin.

Mar 1, 2016:  Shirkii Golaha Wasiirada ee aan caadiga ahayn qorshe lagu soo bandhigay qodobkiisa 3aad ayaa ahaa sidan:

Si loo fuliyo qoshaha Nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay:

  • In Ciidan aan ka tirsanayn ciidanka loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo

aan shaqo la og yahay ku jirin lala dhex-mari karin degmooyinka Gobolka Banaadir.

  • In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.

balse go’aamadaasi marnaba ma aysan xadidin askariga laga hadlayo ma Askari Maroodibaa mise kan sharciga ah eek a tirsan boliiska, Nabadsugidda iyo Militariga waana tan keentay ineysan waxba ka dhaqan galin.

W/Q: Maxamed Cabdiweli(Otanga)

FG: Aragtidan waxay u gaar tahay qoraha ku saxiixan ee kama tarjumeyso midda Goobjoog News