U bood dhigaalka

Ergada Jowhar Oo Codsaday In Doorashada Dib Loo Billaabo

Sheeko:Baarlamaanka

Ergooyinka doorashada aqalka hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in guddiga doorashada heer gobol ay ka sugayaan waqtiga rasmiga ah oo ay billaabanayso doorashada aqalka hoose.

Maalintii shalay ayaa waxaa dib u dhacay doorashadii aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo ka socotay magaalada Jowhar kadib muran iyo khilaafaad ka dhashay kuraasta beelaha qaar.

Arrintaas ayaa sabab u noqotay rabashado hareeyay hoolkii doorashada ay ka socotay ee magaalada Jowhar.

Faarax Cadow Daahire oo kamid ah xubnaha ergada ee doorashada aqalka hoose ee Jowhar ayaa sheegay in aan wali la shaacin waqti rasmi ah oo doorashada dib loo billaabayo.

“Guddiga doorashada waa inay inoo soo caddeeyaan waqtiga rasmiga ah oo doorashada ay dhacayso maxaa yeelay doorashada sida aad og tihiin hakad ayay ku jirtaa” ayuu yiri Faarax Cadow.

Magaalada Jowhar waxaa ka soconaya loolan adag oo ay ku jiraan siyaasiyiinta, aqoonyahannada iyo dadka kale ee danaynaya kamid noqoshada baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya ee soo socda 2016 illaa 2020.

Goobjoog News