Ergada Shirka Cadaado oo Shirkii Koowaad Isugu Yimid, Balse Durbadiiba Xirmey
Sheeko:Dalka

Waxaa maanta hoolka shirarka ee magaalada Cadaado ka furmey shirkii ugu horeeyey ee ay yeeshaan ergada ka qeybgalaysa shirkaasi oo iyagu dhawaan lasoo xuley, wuxuuna maanta ajandaha ahaa in la qeybiyo dastuurka maamulka.
Balse shirka oo aanan wax badan soconin ayuu guddiga farsamada iyo wasaaradda arrimaha gudaha ku dhawaaqeen in uu shirka xiranyahay kadib markii sida la sheegey la’isku fahmi waayay nuqulada dastuurka ee la qeybiyey oo ay ka maqnaayeen qodobo xasaasi ah.
Lama sheegin xiliga xiga ee ay ergada kulmayaan, waxaana jira warar kala duwan oo aanan wali xaqiijinin oo halkaasi kasoo baxaya
Goobjoog News