U bood dhigaalka

Ergadii Gobolka SH. Hoose u matalayay Maamulka 6-da gobol oo isaga baxay maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Xubno ka mid ah ergadii Gobolka sh hoose u matalayay Maamulka lixda Gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inay badaleen fikirkoodii ku aadanaa maamulkaasi.

Sayid Baale Cumar oo ka mid ah xubnaha ka socda Gobolka sh hoose oo  ka hadlayay kulamo ka dhacay magaalada Baydhabo  ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay inay bedeleen aragtidii ay ku raaceen maamulka 6-da Gobol ee Madoobe Nuunow uu hogaamiyo.

Waxa uu sheegay inay raacsan yihiin maamulka la doonayo in loo sameeyo 3-da Gobol, taas oo ka dambeysy kulan ergadu ay la yeesheen Gudoomiyaha Golaha baarlamaanka Soomaaliya intii uu ku sugnaa Magaalada Baydhabo.

Horaantii bishan ayuu gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Somaliya Maxamed Shiikh Cusman Jawari maalmo ku sugnaa magaalada Baydhabo si uu isugu soo dhaweeyo maamulada isdiidan ee kajira magaalada, waxaana magaalada ka socda shir looga arinsanaayo maamulka deegaanada koonfur galbeed Soomaaliya.