U bood dhigaalka

Ergayga Arrimaha Abaaraha oo Genève Uga Qeybgalay Shir Ku Saabsan Musiibooyinka Caalamiga ah

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay shir caalami ah oo looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan; badqab la’anta cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ay ku leeyihiin qaxootiga iyo barakaca bulshooyinka.
Shirka oo ka dhacay Magaalada Genève ee dalka Switzerland ayaa waxaa hadallo ka jeediyey Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan Gurmadka Abaaraha, Komishiinka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadannimada iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Portugal.
Sidoo kale waxaa madasha khudbado ka jeediyay, madaxda hay’adaha Beeraha Adduunka FOA, madaxa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramadaha Midoobay WHO iyo madaxa hay’adda Socdaalka Adduunka IOM oo shirka martigelisay.
Ergeyga ayaa diiradda saaray saamaynta ay Isbeddelka Cimilada ku yeelatay Soomaaliya, taasoo sababtay abaaro iyo fatahaado joogta ah, isagoo dalbaday in dawladaha wasaqda Isbeddelka Cimilada sababta hawada ku sii daaya ay magdhow iyo maalgelin siiyaan dalalka ay saamaynta ugu badan ku dhacdo oo ay Soomaaliya ka mid tahay, si loo yareeyo khasaaraha iyo dhaawaca ka dhasha Isbeddelka Cimilada.
Ergayga ayaa dalbaday in si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha ay tahay in Soomaaliya laga caawiyo tiknoolajiyadda casriga ah ee beeraha, kaabayaasha dhaqaalaha, tamar ka dhalinta dabaysha, horumarinta wax soo saarka xoolaha, dhirta, kaluumaysiga iyo beeraha. Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya aysan kaalmo oo keli ah u baahnayn ee ay u baahan tahay caddaalad ay sameeyaan kuwa sababa Isbeddelka Cimilada.
“Wadamada ay isbedelka cimiladu saameeyeen uma baahna gargaar kaliya, ee waxa ay u baahan yihiin in ay caddaalad helaan, taasoo lagu kabayo dhaawaca ay cimilladu sababto, si loola noolaado Cimilada is baddeleysa, loo yareeyo dhibkeeda, loona xoojiyo adkaysiga bulshooyinka”, ayuu yiri Ergeyga.
Ergeyga ayaa wali ku guda jira socdaal u jeedkiisu yahay u qareemidda Gurmadka Abaaraha, sidii uu indhaca caalamka iyo deeq-bixiyayaashana ugu soo jeedin lahaa baaxadda abaarta ka jirta dalka iyo in saameynta Isbadelka Cilimida ee dadkeennu la dhibaatoonayan ay sabab u yihiin waddama hawada wasaqeeya magdhowna looga baahan yahay.
Goobjoog News