U bood dhigaalka

Ergayga Gurmadka Abaaraha iyo Wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada oo Kulmay

Sheeko:Amniga

Eraygayga arrimaha Gargaarka iyo Abaaraha u qaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay wasiirrrada gargaar dowlad goboleedyada qeybta ka ah dowladda federalka Soomaaliya.

Wasiirrada iyo Ergayga ayaa kawada hadlay sidii looga wadatashan lahaa xaaladda Abaaraha  baahsan ee ka jira dalka intiisa badan, taas oo laga muujinaayo cabsi ah in ay isku bedeli karto macluul iyo sidii gargaar Banii’aadannimo loo gaarsiin dadka abaartu ay ku saamaysay gudaha dalka.

Ergayga ayaa wasiirradda siiyay warbixin ku aadan xaaladaha abaaraha ka jira dowlad goboleedyada dalka, waxaana siweyn looga dooday caqabadaha ku gudban in gargaarku gaaro dadka abaaraysan, maadaama dad badan ay u baahan yihiin in deg deg ay helaan gurmad Banii’aadannimo.

Wasiirrada ayaa dhankooda ballan qaadeen in wadajir ay u derder gelinayaan gurmadka abaaraha, ayna fududeynayaan si dhow ayna ula shaqeyn doonaan Ergayga Arrimaha Abaaraha iyo Gurmadka u qaabilsan madaxweynaha Jamhuuriyadda, kaas oo wali wada uruurinta xogaha Abaaraha.

Goobjoog News