U bood dhigaalka

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo Hargeysa kula kulmaya Siilaanyo

Sheeko:War
Siilaanyo iyo Kay
Siilaanyo iyo Kay

Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa ka hadlay booqashada uu ku joogo Somaliland.

Kay oo xalay ku hoyday magaalada Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan-yahay imatinkiisa Soomaaliland,waxuuna tilmaamay inay muuqaneyso horumarka ay Soomaaliland ku tallaabsatay.

“Waxaan ka mahad celinayaa fursaddan la ii siiyay in aan booqdo Somaliland si aan u daraaseeyo qaabka aan usii kordhin karno una xoojin karno wada-shaqaynta ka dhexeyso UNSOM iyo maamulka Somaliland.”

Madaxweynaha maamulka Somaaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa lugu wadda inuu maanta xafiiskiisa ku qaabilo wakiilka  waramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya Kay.

Waxaa lagu wadaa inay isla soo qaadaan fursadaha lagu kordhin karo wax qabadka qaramada midoobay ee dhinacyada nabadda, xasilloonnida iyo horumarka Somaliland.