U bood dhigaalka

Ergaygii Hore Ee Soomaaliya U Qaabilsanaa Qaramada Midoobey oo Geeriyooday.

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirkii dastuurka iyo arrimaha sharciga dalka Tanzania Augustine Mahiga ayaa saaka ku geeriyooday magaalada caasimadda ah ee Dodoma, iyadoo aan la shaacin xanuunka uu u geeriyooday laakiin la sheegay in lagu soo booday.

War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxweynaha dalka Tanzania John Magufuli  yaa lagu  xaqiijiyey in uu geeriyooday Wasiirkii Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka dalkaas Augustine Mahiga.

Dhanka kale Madaxweynaha Tanzania John Magufuli wuxuu sheegay in Mahiga uu ku xanuunsaday gurigiisa isla markaana uu geeriyooday markii la geeyay isbitaal maxalli ah si loogu baxnaaniyo xaaladiisa caafimaad.

Mahiga wuxuu ahaa wakiilkii hore ee gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee qaabilsanaa Soomaaliya nta u dhaxeysay June 2010 iyo June 2013,  wuxuu sidoo kale ahaa ergeygii joogtada ee Qaramada Midoobey ee Tanzania, waxuu silamida uu soo noqday wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Tanzania.

Goobjoog News