U bood dhigaalka

Ergeyga Arrimaha Gurmadka Abaaraha oo La Kulmay Safiirka Dowladda Sucuudiga

Sheeko:Amniga

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha
Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Muxamed Saalix Almuwalad.

Ergayga iyo Danjire Muwalad, waxa ay ka wada hadleen xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya iyo sidii dowladda Sacuudiga u noqon laheyd hoggaanka gurmad lagu taakulaynayo dadka ay abaaraha waxyeelaysay, kuwaas oo laba xilli aan helin Roob ku filan, waxaana meelaha qaar dad ay ugu geeriyoodeen Abaar.

Waxaa sidoo kale Ergeyga iyo Safiirka kulanka ku wehlinayay Yusuf Bakhiit oo ah Madaxa Afrika u qaabilsan Hey’adda King Salman ee Gargaarka Bani’aadannimada, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa iyadoo dowladda Sucuudiga ay dib u bilowday xiriirkeeda Soomaaliya oo xumaa taliskii Farmaajo.

   

Goobjoog News