U bood dhigaalka

Ergeyga Qatar Ee Argigixiso La Dirirka Oo Muqdisho Googa

Sheeko:Dalka

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la dagaalanka argigixisada iyo dhexdhexaadinta ayaa galabta soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Dr. Mudhlaq Bin Maajid Al-Qaxdhaani oo wakiil ka ah amiirka Qatar Tamiim ayaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee dalka gaar ahaan siyaasiyiinta isaga oo qeexi doona halka ay Qatar ka taagan tahay musharaxiinta.

Wafdiga waxaa galabta soo dhoweeyey wasiiru dowlaha  arrimaha  Dibadda ee JFS  Balal Cusmaan.

Dr. Mudhlaq inta aanu Muqdisho iman, waxaa uu horay usoo maray Hargeisa isaga oo kulamo la yeeshay madaxda maamulkaasi.

Qatar ayaa muddo dheer Farmaajo la aheyd isbaheysi siyaasadeed, siina jirtay taageero dhan walba ah, iyada oo furahana uu ahaa Fahad Yaasiin agaasimaha NISA.

Goobjoog News