U bood dhigaalka

Ergo hor leh oo ku biiray shirka wada tashiga ee Garbahaarey

Sheeko:Dalka

Ergooyin hor leh ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo biireen shirka wada tashiga ah ee ka soconaya degmada Garbahaarey.

Nabadoon Maxamed Cabdi oo ka mid ah guddiga farsamada ee shirkaasi ayaa Goobjoog FM u sheegay in ergooyinkan ay ka kala yimaadeen degmooyinka Belad Xaawo, Ceel-waaq iyo deegaano kale kuwaasi oo qaarkood ka soo baxay shirkii lagu soo gaba gabeeyay magaalada Kismaayo.

Waxa uu intaasi raaciyay in madasha shirka ay ku suganyihiin inta badan qeybaha bulshada ee gobolka Gedo oo ka kala yimaaday gobolada dalka iyo dibedda.

Shirka ka socda Garbahaarey ayaa lagu sheegay in looga tashanayo aayaha iyo nabada gobolka Gedo halka wajigii labaad ee shirkii dib u heshiisiinta dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo shalay lagu soo gabagabeeyay Kismaayo.