U bood dhigaalka

EU Oo Sare u Qaaday Kaalmada Bini’aadannimo Ee Soomaaliya Iyo Jabuuti

Sheeko:Dalka

Midowga Yusub ayaa sheegay in sanadkaan 2018 ay sare u qaadeen kaalmada bini’aadannimo ee ay siiyaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Qoraal kasoo baxay EU ayaa lagu sheegay in sanadkaan la gaarsiiyey kaalmadan 86.5 Milyan oo Yuuro.

“Saameynta aadka u xun ee abaarta socotay muddada Labada sano ah iyo daadadkii xoogganaa ee dhawaan ka dhacay dalka ayaa martay nolosha malaayiin dad Soomaaliyeed ah” ayuu yiri guddoomiyaha maareynta masiibooyinka iyo arrimaha gargaarka bini’aadannimo ee Midoga Yurub Christos Stylianides.

Mr. Stylianides oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Gargaarkeenna waxaan gaarsiin doonnaa dadka aadka u nugul waxaana siineynaa taageero degdeg ah dadka ay dhibaatooyinkaan saameeyeen”

Qaxootiga Jabuuti jooga ayaa loogu gargaari doonaa 500.000 Yuuro, waxayna dadka halkaasi ku qaxay ka kala tageen Soomaaliya, Yemen iyo Itoobiya.

Goobjoog News