U bood dhigaalka

EU, Sweden iyo Norway: Ma Heli Doontaan Taageradeena

Sheeko:Amniga

Saacadihi la soo dhaafay waxaa isa soo tarayay Baaqyada ay dirayaan dowladaha Taageera Soomaaliya ee ku aadan Isfaham la’aanta ka taagan Doorashooyinka .

Saaxibada Soomaaliya ayaa 24-ki saac ee la soo dhaafay waxa ay si isku mid ah u sheegen in loo baahan yahay in la qabto doorasho deg deg ah .

Midawga Yurub ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay doonayaan doorashada Madaxweynaha iyo tan baarlamaanka ay ka dhacdo dalka.

Qoraal ka soo baxay Midawga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay haddii ay dhacdo doorasho Hal dhinac ah ama mid isbar bar socota in aysan Soomaaliya Heli doonin taagerada dhaqaale ay siiyaan oo ay ka jari doonaan .

“Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay u baahan yihiin inay helaan tanaasul horseedaya geeddi-socod doorasho oo deg-deg ah iyo in si nabad ah xukunka loogu wareejiyo, iyadoo loo marayo hirgelinta heshiiskii Sebtember 17. Heshiis la’aanta hadda jirta waxay si weyn u daahineysaa xawaaraha isbeddelada sida degdegga ah loogu baahan yahay, ee loogu waxyeelleynayo muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Midawga Yurub .

Qoraalka ka soo baxay Midawga ayaa intaasi la raaciyay in aan loo baahneyn in mudnaanta la siiyo danta shaqsiyadeed.

“Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa naftooda ku ceebeeya inay metelaan muwaadiniintooda. Kuwii wax u dhimaya wada hadalka ama adeegsiga rabshadaha waxaa loo soo bandhigi doonaa tallaabooyin waxayna la kulmi doonaan cawaaqibta ficilladooda.”

‘Madaxda federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Soomaaliya waa inay sharfaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna.”

 

Dhanka kale Safaaradda magaalada Muqdisho ay ku leedahay dowladda Norway ayaa war ka soo saartay xaaladda dalka .

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee safaaradda Norway ee Soomaaliya ayaa lagu Yiri ” Norway oo Saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaay si qoto dheer uga walaacsan tahay rabitaan la’aan siyaasadeed oo ay dadka oo dhan raadiyaan xalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ku ah inay si dhaqso leh ku wareegjiso xukunka.”

Norway ayaa intaasi hadalkeeda Sii raacisay “Jidka guuleysta ee horay loo socdo wuxuu u baahan yahay hoggaamiyeyaal geesinimo leh oo doonaya heshiis.

Dhinaca Kale Safaaradda Sweden ee Soomaaliya ayaa iyada oo dhankeeda xoojineysa eedda ka soo baxday Midawga Yurub , barta ay ku leedahay Twitter-ka waxa ay ku daabacday in ay Soomaaliya Lumin doonto Taagerada ay siiso .

Qoraalka lagu daabacay Safaaradda Sweden ayaa lagu yiri ”  Madaxda DFS iyo FMS waa inay xushmeeyaan waajibaadka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Ma jiro wax beddel ah, geedi socod dhinac ah ama qayb ahaan ah oo heli doona taageeradeenna.”