U bood dhigaalka

Xildhibaan Hore Cali Seeko oo Faah faahin Ka Bixiyay Madasha Wadatashiga iyo Badbaadinta Galmudug

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan hore Cali Maxamuud Faarax Seeko oo  wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa faah faahin ka bixiyay ula jeedada dhabta ah ee ka dambeysa ku dhawaaqista madasha wadatashiga iyo badbaadinta ee Galmudug.

Xildhibaan Cali Seeko ayaa ugu horreyn hadalkiisa ku bilaabay in madasha loo dhan yahay cid kastaana ay ka soo qeyb gashay wadatashiga:

“Waxaa jirtay in madal furan oo loo bixiyay madashada wadatashiga iyo badbaadinta Galmudug oo ay is kugu yimaadeen dad ka kooban 11 qabiil ee Galmudug wada dhistay aan ka furnay hotel Saxafi, madashaasna xildhibaanadii Galmudug iyo Aqoonyahanno iyo dhaqankii Galmudug soo dhisay, wasiirro Galmudug iyo siyaasiyiin madaxbanaan kasoo qeyb galeen, Lagu falanqeeyay waxyaabaha hadda ka socda Galmudug iyo halka ay marayaan”.

“Madashu waa madal furan oo dadka reer Galmudug oo dhan u furan oo ay kasoo qeyb gali karaan oo aqoon is weydaarsi ah oo xog is weydaarsi ah oo ku waajahneyd Galmudug sanad ka hor markii lasoo dhisay iyo maanta meesha ay marayso, danta laga leeyahayna waa, xildhibaanadii Galmudug ee meesha ka hadlay waxay ka dhawaajiyeen iney Galmudug iney Galmudug dhimatay, anaguna waxaan isla qaadanay inaan janaaso lagu tukanin, laakiin la soo nooleeyo oo Ogsijin lagu xiro, arrinku wuxuu lahaa in wax la istusaaleeyo, meelaha wax ka hagaldaacsan yahayna la is tuso, Baaralmaankii iyo maamulkii meesha joogay ee Galmudug loo igmadayna iyaguna xogta ay hayeen ayay meesha ka sheegeen, anaguna waxaan ku biirinay sidii wax loo wadi karo”, waana sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay in madasha wax lagu badbaadinayo laakiin aaney ahayn mid dadgooni ah loola dan leeyahay:

“Baarlamaanka dib isku abaabulaan oo ay isku dayaan iney Galmudug dadkii ku abtirsanayay ee 11 qabiil ahaa ee gacmaha is haystay markii Galmudug la dhisayay maantana kala tagay oo calamo iyo waxyaabo aan la fiirsan Karin kala sameystay iyo dagaallo hadda ka jira meesha iyo dhufeysyo la iskugu jiro in waxaa dib loo qaabeeyo iyaguna waxay badbaadin karaan ay badbaadiyaan, anaguna aan ku darno wixii aanu awoodno oo ra’yi iyo waxqabad ah, intaas ayay ahayde ee habayaraatee wax xumaan ah oo dhibaato ah oo hadda dadku dad goonni ah loola dan leeyahay hadda meeshaas kama dhicin”.

Madasha Wadatashiga iyo Badbaadinta Galmudug ayaa 10/Juun.2016 looga dhawaaqay  shir ka dhacay hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoog News