U bood dhigaalka

Faadumo Q. Dhayib Oo Laga Saarey Guddiga Ilaalinta Anshaxa iyo Asluub-wanaagga ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Faadumo Qaasim Dhayib ayaa laga saarey liiska guddiga ilaalinta anshaxa iyo asluub-wanaagga ee doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya,

Faadumo Qaasim Dhayib oo la hadashay Goobjoog News ayaa ka warrantey sida ay u aragto sababta liiska looga saarey“Sababta Liiska la iiga saarey, waxaan u arkaa iney xoojineyso wal-wal-ka ay murashaxiinta iyo shacabka ka qabaan doorashada oo ah in doorashada u dhacdo ama in la yeelo sida dad qaar ay rabaan”

Faadumo oo sii hadleysa waxaa ay intaa ku dartey“Aniga keliya sababta 9-ka qof la iiga dhex saaray, waxaam is leeyahay waxaa la arkey in  codkeyga dheer yahay, in doorashada aan ka dhigi doono mid hufan, In aan la ii gadan Karin oo an la ii aamnusin Karin”

Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay la xiriirtey guddoonka baarlamaanka federaalka si arrintaas wax looga ogaado, guddoonka waxaa ay ka gaabsadeen in ka hadlaan.

Guddiga sida uu guddoomiyaha baarlamaanka sheegey 29-kii Janaayo waxaa loo dhisey hubinta habsami u socodka, daah furnaanta iyo bedqabka lagu hirgelinayo geedisocodka doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddigan waxaa sidoo kale la doonayaa iney la xisaabtamaan baarlamaanka iyo guddiga doorashada madaxweynaha,

Liiska xubnihiisa waxaa ay ahaayeen sidan:

Faadumo Qaasim Dhayid, Cabdi Axmed Maxamed Baafo, Shamso ibraahim Booliis, Rooble Axmed Daahir, Faadumo Jaamac Jibril, Cabdi Ismaaciil Samatar, Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Aden Xasan Cabdi iyo  Cabdulahi Maxamed Shirwac.

Goobjoog News