U bood dhigaalka

Faadumo Xasan Cali Oo Markale Loo Doortay In Ay Ka Mid Noqoto Xildhibaanada Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw lagu dhawaaqay kursigi shanaad oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ay gobalada waqooyi ku leeyihiin sidoo kalena ah kursiga seddaxaad ee doorashada maanta ka socota dugsiga tababarada ee Generaal Kaahiye.

Kursigaan tirsigiisu uu yahay HOP#210  ayaa waxaa  kuwada tartamayey Musharixiinta kala ah Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali  iyo Hoodo

Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali  ayaa ku guuleysatay kursiga kadib markii ay u tanaasushay musharaxaddi la tartameysay Hoodo, waxaana sidaas cod gacan taag ah ku guuleystay Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali .

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#210 oo ay ku guuleysatay Xildhibaanad Faadumo Xasan Cali.

Goobjoog News