U bood dhigaalka

Faafaahinta Heshiiska Golaha Wada Tashiga Qaranka

Sheeko:Dalka

Shirkii isniintii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ee Wada tashiga waxaa la isku afgartay in la dhiso Madal wada tashi qaran taas oo shaqadeeda tahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorashooyin qaran 2016-ka.

Madashan oo ka kooban 59 Xubnood oo Soomaali ah iyo Beesha Caalamka waxaa lagu wadaa in ay shirkooda koobaad bilaabaan Bisha soo socota ee October 14-keeda waxay yeelanayaan kulanka ugu horeeyo oo ay kaga hadli doonaan hanaanka ay noqon doonto doorashada dalka ka dhacaysa 2016, waxaana kulanka xiga ay yeelanayaan January 2016 iyaga oo ka shiri doona qaabka loo soo xulayo xildhibaanada Barlamaanka.

Ma aha markii ugu horeysay oo Soomaalida ay ka hadlaan waxa loo yaqaano Road Map, waxaa markii ugu horeysay la’arkay Sept 15, 2003: Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah.

Waxaa xusid Mudan in Heshiis  isniintii September 21, 2015ka Muqdisho ka dhacay mid la ah uu Garoowe ka dhacay Febraayo 2012 Garoowe 2 iyo Road map la isku afgartay in Federaal wax lagu saleeyo, Madaxweyne Sheekh Shariif  oo shirka xiray ayaa sheegay in KMG laga baxay.

Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.

Su’aal: Soomaaliya Ma Socon Kartaa Road map La’aan?