U bood dhigaalka

Faah Faahin: 3 Qof Oo Lagu Dilay Degmada Saakow, J/dhexe

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Saddex ruux oo shalay Xarakada Al-shabaab ay ku toogteen fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Al-shabaab ayaa raggan ay dileen waxay ku eedeeyeen iney la shaqeyn  jireen dowlado shisheeye oo Maraykanka ka mid yahay, islaamrkaana ay macluumaad u gudbin jireen.

Shacabka ku dhaqan degmada Saakow ayaa meel fagaare ah la isugu keenay si ay u daawadaan raggaasi la tooganayo.

Raggan la toogtey ayeey Al-shabaab magacyadooda ku kala sheegeen, Liibaan Xasan Maxamed, Maxamed Salaad iyo C/laahi Maxamed C/raxmaan.

Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka arrimiyaan marar badan waxay sidan oo  kale ugu toogteen rag ay sheegeen iney la shaqeeyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlado shisheeye.

Goobjoog News