U bood dhigaalka

Faah Faahin: Agaasimihii Madaxtooyada Boosaaso Oo La Diley

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil magaalada Boosaaso loogu geystay agaasimahii madaxtooyada magaaladaasi Aadan Gaas Haruuse.

Wararka saakay ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ay ku baadigoobayaan raggii ka dambeeyey dilka agaasimaha.

Ciidamada ayaa soo qabtey dad ku dhow 10 qof, kuwaasi oo la sheegay in lagu tuhmayo wax ka ogaanshiyada dilka agaasimahii Boosaaso.

Rag hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay agaasimaha Madaxtooyada Boosaaso ku dilay magaaladaasi, kuwaa oo la xaqiijiyey iney baxsadeen .

Mas’uuliyiinta magaalada Boosaaso oo aynu la hadalnay waxay sheegeen in baaritaan lagu sameyn doono dadka lasoo qabtey, islamarkaana cid walbo oo ku lug leh dilka agaasimaha ay gacanta kusoo dhigi doonaan.

Goobjoog News