U bood dhigaalka

Faah Faahin: Al-shabaab Oo Gudaha u Galay Degmada Ceelwaaq, Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay gudaha u galeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Kenya ee ka tirsan howlgalka AMISOM.

Ciidamadan oo hubeysan ayaa la sheegay in si lama filaan ah ku galeen gudaha degmada, waxayna si kooban ula dagaallameen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, balse wax khasaare ah lama soo sheegin.

Korneel Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa warbaahinta u sheegay in Al-shabaab ay dib uga baxeen degmadaasi.

Waxa uu tilmaamay Korneelka in markii ay ciidamada Al-shabaab soo galayeen degmadaasi ay ciidamada ku sugnaayeen xerooyinkooda, daqiiqado kadibna ay halkaasi isaga baxeen.

“Nimanku si gaadmo ah ayeey dhinac degmada uga soo galeen, wax ay sameeyeen malahan, daqiiqado aad badneyn bay joogeen markii ciidanka kusoo baxayna meesha wey ka carareen oo degmada dib bay uga laabteen, xaaladuna waa mid deggan” ayuu yiri korneelka.

Xaaladda guud ee degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo saakay waa mid deggan, balse shacabka ku dhaqan degmadaasi ayaa hadal haya ciidamadii Al-shabaab ee xalay gudaha u galay degmadaasi.

Goobjoog News