Faah Faahin: Al-shabaab Oo Madaafiic Ku Weerartay Saldhig Ay Ciidanka Kenya Ku Leeyihiin Gobolka NFD

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar habeenkii xalay ahaa ay ciidamada Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Ceel-raam oo ka tirsan NFD.

Weerarkaan ayaa ahaa mdaafiic, waxaana inta badan ay madaafiicda gudaha u galeen xeradan, iyadoo ay jirto khasaare soo gaaray ciidamada Kenya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in sidoo kale ciidamada Kenya ay iyaguna ka jawaabeen madaafiicdan, oo jihada Al-shabaab ay wax kasoo tuureen iyaguna ku gamay madaafiic kale.

Saraakiisha Kenya ee ku sugan NFD waxay xaqiijiyeen in weerarka uu jiro, balse ma aanay sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray.

Al-shabaab ayaa iyaguna qoraal ay soo dhigeen baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen iney khasaare badan soo gaarsiiyeen ciidamada Kenya.

Goobjoog News