U bood dhigaalka

Faah Faahin: Askari Boolis Ah Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Jowhar

Sheeko:Dalka

Askari ka tirsan ciidanka Booliiska ayaa maanta waxa uu degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ku dilay qof la sheegay inuu yahay shacab, kadib muran Labadooda soo kala dhexgalay.

Wariyaha Goobjoog ee magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in dilkaan uu ka dhacay xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, marxuumka dhintayna markii hore dhaawac ahaan loogula cararay Isbitaalka degmadaasi.

Askariga wax dilay ayaa xaafaddaasi u tagay sida la sheegay dacwad loo qabay shaqsiga la toogtay si uu usoo xiro, balse muran kadib waxaa la dilay qofkii shacabka ahaa ee dacwada loo qabay.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamada Booliiska degmada Jowhar, waxaana ay gacanta ku dhigeen askarigii dilka geystay, kaasi oo lagu xiray saldhigga Jowhar.

Saraakiisha ciidanka Booliiska ee Jowhar waxay sheegeen in askarigan cadaaladda la horgeyn doono, islamarkaana wixa uu sharciga qabo la marsiin doono.

Goobjoog News