U bood dhigaalka

Faah Faahin: Askari Lagu Dilay Degmada Dharkeenley Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Koox hubeysan ayaa  habeenkii xalay ahaa waxa ay askari ka tirsan ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya dil ugu geysteen degmada Dharkeenley ee gobolka banaadir .

Kooxda dilka geystay ayaa goobta ka baxsata, waxaana goobta durbadiiba gaaray ciidamo ka tirsan  kuwa maamulka degmada Wadjir.

Goobjooge ku sugnaa halka uu ka dhacay dilka ayaa  Goobjoog News uga warramay sida ay wax u dhaceen “fal dil ah ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley,  gaar ahaan agagaarka ajabka shidaalka, dilkaan lama oga cidda geysatay waxaan ka mid aheyn dadka goobta ku qaxweynaayay  inta u dhaxeysa macmacaanka iyo dabakaayo Madow,  waxaa goobta lagu dilay nin askari ah oo aan ku labisneyn dareyska ciidanka, waxa uuna xambaarsanaa qoray isla waqtigaas waxaa gadaal kaga yimid Labo qof oo aan heybtooda aan la garaneynin waxayna rasaas kaga dhufteen qeybta madaxa kadibna meesha ayuu ku dhacay”

Dhanka kale maamulka degmada Dharkeenley oo aynu la xiriirnay waxay noo sheegeen inay baadi goob ugu jiraan kooxihii dilka askariga geystay.

Inta badan askarta ka tirsan ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa waxaa si gaadmo ah loogu dilaa qeybo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho iyaga oo dhex lugeynaayo.

Goobjoog News