U bood dhigaalka

Faah faahin:- Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho iyo Xildhibaano la dhaariyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Fadhiga Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo dhacay markii Labaad tan iyo markii la daah furay kulanka kalafadhiga Shanaad ee mudanaayasha, waxaa soo xaadiray 164 xildhibaan oo ka tirsan mudayaasha Baarlamaanka, waxaana shir gudoon ka ahaa gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mudanayaasha waxaa loo qeybiyay marka hore ajande ka kooban 7 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen in warbixino laga dhageysto gudiga ku howlan dhismaha axsaabta siyaasiga ee madaxbanaan, iyo sidoo kale xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya oo booqasho ku tagay qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya, si wixii ay soo arkeen xildhibaanada kale ula wadaagaan.

Sidoo kale ajandaha xildhibaanada loo qeybiyay waxaa ku jiray dhaarinta xildhibaano cusub oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo lagu bedalaayo sedax xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo la dilay.

Xildhibaanada maanta boosaskooda la buuxiyay ee geeriyooday waxaa ka mid ah:-

1-   Saado Cali Warsame

2-   Maxamuud Maxamed Xayd

3-   Sheekh Aadan Madayr

Waxaa lagu bedalay xubnahaan lagu kala magacaabo:-

1-   Maxamuud Ducaale Muuse

2-   Yuusuf Maxamed Cali

3-   Saciid Maxamed Maxamuud Xayd.

Gabdhaha baarlamaanka ku jira ayaa waxay ka biya diideen in booskii Marxuumad Saado Cali Warsame lagu bedalo qof rag ah, iyaga oo dalbanaayay in gabar la keeno booskaasi.

Hase ahaatee Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa arintaasi haweenka ka qanciyay, waxaana loo sheegay in gudiga joogtada ah ay arintaan xalin doonaan.

Ugu dambeen waxaa la dhaariyay Xildhibaanadii cusbaa ee bedalay mudanayaashii magaalada Muqdisho lagu dilay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulankaan shir gudoominaayay ayaa ugu dambeen u sheegay Xildhibaanada in loo baahan yahay in kala fadhigaan oo ka duwan kuwii hore in aan laga maqnaan.

Halkaan ka dhageeyso faah faahinta kulankii baarlamaanka ee Maanta Muqdisho ka dhacay.