U bood dhigaalka

Faah faahin: Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta la horgeynayo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaan la filayaa in loogu qeybiyo mudanayaasha, mooshinkii laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Khamiistii aynu kasoo gudubnay.

Wararka ay Goobjoog Fm, ka heshay kulankaan maanta ayaa sheegaya in ajandeyaasha xildhibaanada maanta u yaalo uu ka mid yahay Mooshinkaan, oo xildhibaanada loo qeybin doono.

Sida uu qabo xeer hoosaadka baarlamaanka, waxaa laga doodi doonaa mooshinka muddo Shan cisho ah ka dib, iyadoo lasii guda geli doono howlaha kale ee baarlamaanka horyaala.

Mooshinkaan waxaa gudbiyay xildhibaano tiradooda ku sheegay 140, mudane, waxaana ay tilmaameen in xukuumada ay ka gaabisay shaqooyin badan oo looga baahnaa.

Dhanka kale waxaa jira xildhibaano iyagana kasoo horjeeda mooshinkaan, kuwaa oo sheegay in arinkani laga soo abaabulayo madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Cabdweli Sheekh Axmed, kaa oo banaanka usoo baxay ka dib isku shaandheyntii golaha wasiirad.

Mooshinada sidaan oo kale ma ahan mid ku cusub dhegaha shacabka Soomaaliyeed, waxaana ugu dambeeyay mooshinkii meesha looga saaray Ra’iisul wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Goobjoog News