U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Beello Ku Dagaallamay Duleedka Degmada Buuhoodle Ee Gobalka Togdheer

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan ayaa ka dhacay duleedka degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta uu ka dhashay.

Maleeshiyaadkaan ayaa kasoo kala jeeda degmada Buuhoodle iyo sidoo kale deegaanka Gaashaamo oo  laga maamul dhulka Soomaalida Itoobiya, waxaana dagaalkaan uu salka ku hayaa arrimo la xiriira is qabqabsi Ceel-biyood.

Dagaalkaan ayaa xoogiisa dhacay maalintii shalay ahayd, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhintay dad ka badan 15, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Deegaanka Gaashaamo oo aad loogu dagaallamay ayaa ku yaala xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Buuhoodle ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalkaan uu ahaa mid ka duwan dagaalladii ay arki jireen, islamarkaana la’isku adeegsaday hub aad u culus.

Beelahani dagaallamaya ayaa sidaan oo kale dhul daaqsin iyo Ceel-biyood ku dagaallamay, mana jirto cid isku xil saartay in xaaladdaan ay qaboojiso.

Deegaanka lagu dagaallamay iyo sidoo kale deegaano kale oo halkaasi ku dhaw waxaa ka socda barakac ay sameynayaan dad shacabka ah.

Goobjoog News