U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada AMISOM Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay meel ku dhaw deegaanka Yaaq-bari-weyne ee gobolka Shabellaha Hoose, halkaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in sahay ciidan ay u wadeen dhanka maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalkaan ayaa socday in ka badan saacad iyo bar sida Goobjoog news u xaqiijiyeen dad ku dhaw halkii lagu dagaallamay.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 3 qof ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay in ka badan 10 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray.

Saraakiil u hadashay maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya ay iska caabiyeen ciidankii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday, inkastoo weli Al-shabaab dhankooda aanay ka hadal dagaalkaasi.

Xaaladda halkii lagu dagaallamay shalay gabaldhacii illaa iyo xalay saaka waa ay deggan tahay, hase yeeshee ciidamada Al-shabaab ayaa inta badan jidka u gala ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalk.

Goobjoog News