U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada AMISOM Oo Faarujiyay Degmada Kunturwaarey Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM ayaa lagu soo waramayaa in gelinkii dambe ee shalay isaga baxeen degmada Kunturwaare ee Shabellaha Hoose, waxaana degmadaasi durba la wareegay ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmadaasi Cabdiraxmaan Sabdow Daahir oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in maamulka uu isaga madaxda ka yahay, iyo sidoo kale ciidamadiisa ay hadda degmada dibad joog ka yihiin.

Sababta arrintaasi ka dambeysay ayuu ku sheegay ka dib markii ciidamada AMISOM ay ka baxeen degmadaasi, iyaguna aysan awoodin in halkaasi ay sii joogaan.

Howlgallo ayuu sheegay in ay ka wadaan degmada, kuwaasi oo ay ku baadi goobayaan cid walba oo ka mid ah maamulka degmadaasi.

Guud ahaan waxaan dhaq dhaqaaq ganacsi ka jiran degmada Kunturwaarey, iyadoo dhanka AMISOM aysan ka hadal sababta ay degmadaasi uga baxeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News