U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Federaalka Iyo Kuwa AMIOM Oo Howlgallo Ka Sameeyay Bakool

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay oo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanno duleedka ka xiga degmadaasi.

Aadan Cabdi Maxamed oo ah madaxa ammaanka magaalada Xudur ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada is garabsanaya ay gaareen deegaanno dhowr ah oo ku yaalla duleedka magaaladaasi.

Wuxuu sheegay inay maamul u sameeyeen meelihii ay tageen isla markaana ay soconayaan howlgallo lagu soo qabqabtay dad looga shakisan yahay inay ka qeyb yihiin falalka ammaan darri.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxay howlgallo lagula dagaallamayo ka sameeyeen deegaanno badan oo ku dhaw degmada Xudur, waxaa shabaab laga qabsaday deegaanno badan” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maalmahan dambe waday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxayna howlgalladaan inta badan ka socdaan gobollada Baay iyo Bakool.

Goobjoog News