Faah faahin: Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo ku dagaalamay Gedo (Dhageyso)

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay deegaan u dhaxeeya deegaanka Buur-dhuubo iyo degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

Cali Bishaar oo ka mid ah mas’uuliyiinta deegaanka Buurdhuubo ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in weerarka dagaalkaasi ay iyagu lahaayeen, waxaana uu tilmaamay in waxyeelo ay soo gaarsiiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

In weerarkaan ay qaadaan ciidamada dowladda ayuu sheegay ka dib markii ay ka war heleen Al-shabaab in dad ay ku dhibayaan deegaanka la weeray lagu soo war geliyay, halkaasna ay iyaga la wareegeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Hal askari ayuu ka dhawaajiyay in dhankooda uu ka dhaawacmay, Al-shabaabna ay ka dileen askar, laakiin tirada rasmiga ah ma aanu xaqiijin.

Dhanka Xarakada Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase yeeshee xaaladda deegaankii lagu dagaalamay hadda waa mid degan.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW