U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Bakool

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay dulkeedka degmada Waajid ee gobalka Bakool, kaasi oo khasaare geystay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen duleedka degmada Waajid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.

Qof ku sugan degmada Waajid ayaa u sheegay Goobjoog News, rasaas gudaha degmada kusoo dhacday in ay sababtay dhaawaca Seddax qof, kuwaasi oo xaaladooda aad looga deyriyay.

Lama sheegin khasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii dagaallamay, hase ahaatee xaaladda ayaa ugu dambeyn degtay abbaare wabarigii hore ee saaka.

Maamulka degmada Waajid iyo kan gobalka Bakool weli faah faahin rasmi ah kama aysan bixin dagaalladaan, balse inta badan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaadda degmada Waajid iyo deegaannada kale ee ku dhaw.

Goobjoog News