U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Degmada Ruunirgood Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii hore ee maanta waxa uu ka dhacay degmada Ruunirgood ee gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen degmadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.

In ka badan 20 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaasi ay ku dhinteen.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen Xarakada Al-shabaab baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen inay dagaalkaasi ku dhinteen Askar badan oo ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo aynu xiriir la sameennay si aan faah faahin buuxdo u helno waxay sheegeen in saacadaha soo aadan ay ka hadli doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.

Degmada Ruunirgood waxaa shalay la wareegay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News