U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Deynuunay, Baay

Sheeko:Amniga

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal saakay aroortii ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa K/galbeed iyo Al-shabaab oo dhinac ah ku dhexmaray deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay weerar xooggan kusoo qaadeen deegaankaasi, waxaana ka dhashay dagaal socday in kabadan Saacad.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen in deegaankaasi ay qabsadeen, islamarkaana haysteen saacado badan, sidoo kalena ay halkaasi ku qabsadeen sahay ciidan.

Nuuradiin Gacma, Afhayeenka K/galbeed ayaa isna sheegay in Al-shabaab khasaare badan ay soo gaarsiiyeen, islamarkaana laga warhayey weerarkooda.

Wuxuu tilmaamay in markii gudaha magaalada ay soo galeen lagu bilaabay dagaal dhowr jiho ah, khasaaraha guudna ay dib kasoo sheegi doonaan.

Weli si dhab ah looma hayo khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Deynuunay ee goboblka Baay.

Deegaanka Deynuunay ayaa qiyaas ahaan 26 KM wuxuu u jiraa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Goobjoog News