U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobalka Baay

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanno ka mid ah gobalka Baay, halkaasi oo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Deegaanno qiyaastii 30-km u jira degmada Diinsoor ee gobalka Bakool ayeey dagaalladaan ka dhaceen, ka dib markii ciidamada dowladda la sheegay inay wajaheen meello ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Dagaalladaan ayaa xoogooda ka dhacay deegaannada kala ah, Manaas, Makoon iyo Dhergo, waxaana saaka guud ahaan deegaanadaasi yihiin kuwo aad u degan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalladii shalay ay ku geeriyoodeen in ka badan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, waxaana jira dhaawac askar kale, wallow tiradooda aan lahayn.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobalka Baay ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamadooda u suurta gashay inay la wareegaan dhammaan barihii Al-shabaab ay deegaanadaasi kaga sugnaayeen.

Dhanka Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladaasi, hase ahaatee maalmihii ugu dambeeyay ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News