U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah, kaasi oo ka dhacay deegaanno ku dhaw degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay lahaayeen weerarka dagaalkaasi.

Waxa uu tilmaamay gudoomiyaha inay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanno ay ku sugnaayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sababta weerarka ay u qaadeen ayuu gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ku sheegay inay u adkeysan waayeen shacabka oo uu sheegay inay dhibaato kala kulmeen Xarakada Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha ka dhashay dagaalkaan waxa uu sheegay in dhanka Al-shabaab u badnaayeen, dhankoodana waa uu ka gaabsaday.

Goobjoog News