U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Al-shabaab ku lahaayeen qeyb ka mid ah deegaanka Halgan.

Maxamed Cumar oo ka mid ah saraakiisha dowladda ayaa u sheegay Warbaahinta in ciidamada dowladda ay billaabeen howlgallo ballaaran oo dhanka amniga ah, sidoo kalena ciidamada ay ku guuleysteen dagaalkii Halgan.

“Ciidamada dowladda ayaa halgan gacanta ku haya, waxaana ku soconnaa deegaano kale oo nimanka Nabad diidka ah ku sugan yihiin” ayuu yiri Maxamed Cumar.

Illaa iyo haatan lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana weli socda dhaq dhaqaaqyada ay wadaan ciidamada dowladda.

Goobjoog News