U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Oo Garabsanaya Kuwa AMISOM Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanka Garisyaani ee gobalka Hiiraan, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka baxay magaalada Baladweyne, kuna wajahnaa deegaanka Halgan ay weerar kala kulmeen ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Ugu yaraan Laba qof ayaa halkaasi ku dhimatay, waxaana jira dhaawac aan tiradiisa la ogeyn, iyadoo dagaalkaan uu socday daqiiqado badan.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan halka lagu dagaallamay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee shalay uu ahaa mid xooggan, islamarkaana rasaas culus ay is weydaarsadeen Labada dhinac.

Weli dagaalkaasi wax war ah kama aanay soo saarin saraakiisha dowladda, AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News