U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Dad Lagu Qabtay Ka Sameeyay B/weyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee isugu jira Milatariga, Boolis iyo ciidanka Nabad sugidda ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxay ka sameeyeen howlgal amniga lagu xaqiijinayay.

Ciidamadaan ayaa howlgalkaan waxay ka sameeyeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baladweyne si amniga loo xaqiijiyo.

Dhame Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga ee ka qeybqaadanayay howlgalkaan ayaa u sheegay Goobjoog News in ulajeedka howlgalka uu ahaa sidii amniga wax badan looga qaban lahaa.

Waxa uu tilmaamay in amniga magaalada uu yahay mid soo hagaagay kadib markii dagaal beeleed uu dhawaan halkaasi ka dhacay, waxaana uu sheegay in Maleeshiyaadkii ku dagaallamay magaaladaasi ay ku sugan yihiin duleedka Baladweyne.

“Xaaladda amni ee magaalada Baladweyne haatan wey soo hagaageysaa kadib dagaal beeleedkii maalmo dhaweyd ka dhacay magaalada, waxaa jira howlgallo amniga lagu xaqiijinayo oo aan ka wadno magaalada, waxaana leenahay amniga waa mid hagaagsa” ayuu yiri Dhame Maxamed.

Dhinaca kale ulajeedka howlgalladaan ayuu sheegay inay tahay kadib markii hub badan oo magaalada soo galay wixii ka dambeeyay dagaal beeleedkii Baladweyne, ayna kala hubinayaan in hubka uu yahay mid Beelaha ku eg ama ay kusoo dhex dhuumanayaan Xarakada Al-shabaab, sidaa darteedna ay Maleshiiyo beeleedkii ay banaanka magaalada Baladweyne ay geeyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgalladaan lagu qabtay dad looga shakisan yahay Xarakada Al-shabaab, islamarkaana baaritaan lagu hayo.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxay howlgallo amniga lagu xaqiijinayay ka wadeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baladweyne.

Goobjoog News