U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran waxay ka wadaan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay weeraro ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga degmada Afgooye.

Tuulada Awqooy oo 30 KM u jirta degmada Afgooye waxaa ka dhacay dagaal xooggan, kaasi oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Weerarka dagaalkan waxaa lahaa sida la sheegay ciidanka dowladda, iyadoo saakay ay xaaladdu tahay mid deggan.

Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay howlgallada ay ciidanka dowladda ka wadaan Sh/hoose iyadoo aanay jirin wax war ah oo ay soo saareen saraakiisha howlgalladan hoggaaminaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News