U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Kenya Ee AMISOM Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobolka J/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo sidoo kale Xarakada Al-shabaab ayaa gabbal dhacii shalay waxa uu ka dhacay deegaanka Xayi ee gobalka Jubada Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidanka Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday.

Ku dhawaad 10 qof oo dhinacyadii dagaallamayey iyo dad shacab isugu jira ayaa halkaasi ku geeriyootay, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Deegaanka Xayi ee dagaalkaan uu ka dhacay ayaa 13 Km u jira degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Xarakada Al-shabaab oo ka hadashay dagaalkan waxay sheegeen iney dileen 12 ka mid ah ciidamada Kenya, noloshana ay ku hayaan Labo Askari, halka ay tilmaameen inay gubeen gaadiid dagaal.

Dhanka saraakiisha Kenya ee ku sugan gobalka Jubada Hoose weli kama aanay hadal dagaalladaan iyo sidoo kale khasaaraha kasoo gaaray.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay saaka waa mid deggan, inkastoo dadkii halkaasi deganaa ay intii dhibaatada dagaalka ka badbaadday ay barakaceen.

Goobjoog News