U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Iyo Maleeshiyaad Hubeysan Oo Ku Dagaallamay Galgaduud

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal shalay gelinkii dambe ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaad hubeysan ku dhexmaray deegaanka Godinlabe ee gobalka Galgaduud.

Ciidamada Nabad sugidda ayaa la sheegay inay ku baxeen deegaankaasi oo Isbaaro ay dhiganayeen Maleeshiyaadka hubeysan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare sababay.

Seddax ka mid ah ciidamada Nabd sugidda ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac kasoo gaaray dagaalkaasi, inkastoo dhanka Maleeshiyaadkii hubeysnaa khasaaraha soo gaaray aan la sheegin.

Saraakiil ka mid ah Nabad sugidda oo ku sugan degmada Cadaado ayaa inoo xaqiijiyay khasaarahan soo gaaray, waxaana askarta dhaawacantay lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla degmada Cadaado.

Xaaladda guud ee deegaankii lagu dagaallamay waa mid deggan, hase ahaatee dagaalkan ayaa imaanaya xilli maamulka Galmudug uu sheegay inay la dagaallami doonaan cid walba oo Isbaaro u dhiganeysa gaadiidka dadweynaha.

Goobjoog News