U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan Jubbaland Oo La Wareegay Degmada B/xaawo

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay awood kula wareegeen degmada B/xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidan uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa la sheegay inay galeen degmadaasi maalintii shalay ahayd, waxaana kahor inta aanay gelin ay hawada ka saareen isgaarsiintii degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamada qabsaday degmada B/xaawo ay hubka ka dhigeen maleeshiyaad muddo ku sugnaa degmadaasi.

Xaaladda guud ee degmada B/xaawo waa mid aad u deggan, waxaana lagu arkayaa degmadaasi ciidanka Jubbaland.

Saraakiisha amniga Jubbaland oo aynu xiriir la sameynay waxay sheegeen in tani ay qeyb ka tahay sugista amniga deegaannada Jubbaland.

Goobjoog News