Faah Faahin:- Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Maanta Ku Dagaallamay Gedo

Wararka ka imaanaya degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta ay ka dhalatay dagaal halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa la sheegay inay ku dagaallameen raashiin maanta loo qeybinayay kadib markii ay isku eedeeyeen in saamiga raashiinka la kala badsaday.

Ugu yaraan Hal askari ayaa halkaasi ku geeriyooday 2 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray sida ay Goobjoog News u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Xaaladda guud ee degmada Buurdhuubo ayaa ah mid kacsan, waxaana la sheegayaa in askartii dagaallantay ay haatan isku hub uruursanayaan.

Maamulka gobolka Gedo weli wax war ah kama aanu soo saarin dagaalkaasi, mana jirto cid weli kala dhexgashay dhinacyadaasi dagaallamay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW