U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Degmada Hodon Ee Muqdisho

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgallo joogta ah habeennadan ka wada magaalada Muqdisho ayaa xalay waxay howlgal ka sameeyeen degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qabtay dhallinyaro aad u badan, kuwaasi oo la geeyey xarumo ku yaalla degmadaasi si baaritaanno loogu sameeyo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dhallinyaro ka mid ahaa dadkii howlgalkaan lagu qabtay, baaritaanno kadib dhammaantood waa lasii daayey.

Saraakiisha Booliiska ee howlgalladan hoggaamineysa ayaa sheegay in ulajeedkoodu uu yahay sidii ammaanka magaalada Muqdisho loo xaqiijin lahaa.

Goobjoog News